Manchester United ayaa xaqiijisay in arrimaha neefta ee uu la kulmay daafaceeda Victor Lindelof todobaadkii hore aysan la xiriirinfaafitaanka coronavirus ee kooxda.

Lindelof ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo qeybtii labaad ee ciyaartii ay Man United 1-0 kaga badisay Norwich City sabtidii, waxaana lagu bedelay Eric Bailly ka dib markii ay ku adkaatay neefsashada.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa daaha ka qaaday in arrimaha Lindelof ay u muuqdaan kuwo aan xiriir la lahayn COVID-19, iyo in xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden uu “si wanaagsan uga soo kabsaday” dhacdada.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Dhammaan calaamaduhu waxay muujinayaan in tani aysan la xiriirin wax ka dillaacay COVID ee kooxda.”

Man United ayaa sidoo kale lagu qasbay inay xirto howlihii kooxda koowaad ee xaruntooda tababarka ee Carrington natiijada cudurka dillaacay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan