Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay wali rajo ka qabto inay amaah ku hesho Amad Diallo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo.

19-sano jirkaan ayaa kaliya hal kulan u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan, isagoo ciyaaray 68 daqiiqo kulankoodii heerka group-yada Champions League ee Young Boys bishii December.

Amad ayaa kaliya kursiga keydka soo fariistay hal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, iyadoo la rumeysan yahay inuusan ku jirin qorshaha Ralf Rangnick ee qeybta labaad ee ololahan.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , Man United ayaa ka shaqeyneysa sidii ay amaah ugu heli lahayd xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Warbixinta ayaa sheegeysa in wiilkaan uu amaah kaga tagi lahaa Old Trafford xagaagii lasoo dhaafay hadii uusan dhaawac kasoo gaarin garoonka tababarka.

Feyenoord , marka laga soo tago kooxo badan oo Championship ah, ayaa la sheegay inay xiiseynayaan weeraryahanka, iyadoo Man United ay dooneyso inuu horumarkiisa ka sii wado kooxda.

Amad ayaa lagu eedeeyay in loo ogolaan doono inuu ka tago Red Devils xitaa haddii Jesse Lingard uu albaabka ka raaco Anthony Martial ka hor dhamaadka suuqa jiilaalka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan