Manchester United ayaa shaqada ka joojisay weeraryahankeeda Mason Greenwood “ilaa amar dambe” ka dib eedeymo ku saabsan weerar gudaha ah oo ka dhacay baraha bulshada.

Gabadha saaxiibka la ah Greenwood Harriet Robson ayaa Axadii soo galisay muuqaalo dhowr ah oo ay soo dhigtay baraha bulshada taaso u muuqata in ay muujinayaan dhaawacyo la sheegay in uu ka soo gaaray gacmaha 20 jirka reer England .

Red Devils waxay qiratay eedeymahan horaantii Axadii, laakiin waxay ku adkaysatay inaysan wax faallo ah ka bixin doonin “ilaa xaqiiqda la xaqiijiyo

Kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska ayaa hadda soo saartay bayaan dabagal ah oo xaqiijinaya in Greenwood uusan ka qeyb qaadan doonin tababarka ama aan loo tixgelin doonin ciyaaraha inta ay arrintu socoto.

“Mason Greenwood kuma soo laaban doono tababarka mana ciyaari doono kulamo ilaa amar dambe” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda.

Greenwood ayaa Manchester United u dhaliyay 35 gool 129 kulan oo uu u saftay, waxaana uu u dambeeyay ciyaartii ay 1-0 kaga badiyeen West Ham United 22kii Janaayo.

Weeraryahanka, oo aan weli si cad uga hadlin eedeymaha, ayaa sidoo kale hal mar u ciyaaray England, ciyaar ka tirsan League Nations League oo ay la ciyaareen Iceland sanadka 2020.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan