Paul Pogba

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay Paul Pogba ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Premier League iyagoo u soo bandhigaya qandaraas uu ku qaadanayo 500,000 oo ginni isbuucii si uu u sii joogo Old Trafford.

28-sano jirkaan khadka dhexe ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga, waxaana uu haatan xor u yahay inuu heshiis hordhac ah la galo kooxo ajnabi ah.

Kooxda La Liga ka dhisan ee Real Madrid , hogaamiyayaasha Ligue 1 ee Paris Saint-Germain iyo kooxdii hore ee Pogba ee Juventus ayaa dhamaantood la aaminsan yahay inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga reer France xagaaga.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay The Sun , Man United ayaa ka cabsi qabta in Pogba uu baxayo, sidaas darteed waxay u soo bandhigeen lacag dhan 500,000 oo ginni mushaar ahaan todobaadkii si ay isugu dayaan inay ku qanciyaan inuu sii joogo.

United ayaa diidan in ay iibiso xiddiga ku guulaystay koobka adduunka 2018 bisha January, halka wakiilka xiddiga khadka dhexe ee Mino Raiola uu sugayo in uu wadahadal la galo Red Devils ama koox kale oo xiisaynaysa mustaqbalka macmiilkiisa.

Pogba ayaa Man United u saftay 219 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 38 gool sidoo kale caawiye ka noqday 49 kale.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan