Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in tartan ugu jirto Luis Diaz xili Liverpool lagu xamanayo saxiixa weeraryahanka.

24 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Portugal intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 14 gool, waxaana uu diiwaan geliyay shan caawin 24 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Liverpool ay ku dhowdahay heshiis 60 milyan ginni ah oo ay ku doonayso Diaz, iyadoo Porto ay u furan tahay inay iska iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka Colombia inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Record , Man United oo ‘fiiro gaar ah u leh’ horumarka, Red Devils ayaana weli ku guuleysan karta tartanka saxiixiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Newcastle United ay sidoo kale isha ku heyso xaalada, iyadoo Magpies ay noqoneyso mid ka mid ah kooxaha ugu qanisan adduunka maadaama ay dhawaan la wareegeen.

Diaz, oo inta badan u shaqeeya weerarka bidix, ayaa dhaliyay 39 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 18 caawin 121 kulan oo uu u saftay Porto tan iyo markii uu ka yimid Atletico Junior 2019.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan