Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay liiska kooxaha xiiseynaya ee isha ku haya xaalada Antonio Rudiger ee Chelsea .

28-sano jirkaan ayaa ku dhow inuu galo lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa Stamford Bridge, isagoo qandaraaskiisa haatan ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Rudiger ayaa awood u yeelan doona inuu wadahadalo la furto kooxo ajnabi ah oo ku saabsan qaab bilaash ah laga bilaabo Janaayo 1, iyadoo Real Madrid loo maleynayo inay tahay kooxda ugu cadcad tartanka saxiixiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Los Blancos ayaa lagu soo waramayaa in ay durba wadahadal la furtay daafaca dhexe inkasta oo aan wali go’aan laga gaarin mustaqbalkiisa Chelsea ayaana wali dooneysa in ay sii haysato.

Kooxaha sida Paris Saint-Germain , Bayern Munich , Manchester City , Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood horay loogu tiriyay inay xiiseynayaan saxiixiisa, Sky Deutschland ayaana sheegtay in Man United ay haatan sidoo kale ku soo biirtay

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa weli qeyb muhiim ah ka ah qorshaha kooxda koowaad ee Thomas Tuchel ee kooxda heysata horyaalka Yurub, isagoo u saftay 21 kulan tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan