Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa garabka Leeds United Raphinha .

25 jirkan ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay isaga oo dhaliyay 8 gool 16 kulan oo uu saftay horyaalka.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , United ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee diiwaan gelisay xiisaha ay u qabaan saxiixa Raphinha, kaasoo lagu qiimeeyo in ka badan 40 milyan ginni.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Kooxda ku guulaysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich ayaa ah koox kale oo reer yurub ah kuwaas oo si weyn u xiiseeya xiddiga reer Brazil inkasta oo ay warbixintu intaa ku dartay in u dhaqaaqista Germany ay tahay mid aan suurtogal ahayn.

Raphinha, oo Leeds ugu biiray Rennes Oktoobar 2020, ayaa arki doonaa qandaraaskiisa Elland Road oo dhacaya June 2024.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan