Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo koobtay afar musharax oo ay ku doonayso in ay ku hesho tababare joogto ah.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee hadda Ralf Rangnick ayaa qarka u saaran inuu u wareego door la-talin ah marka uu dhammeeyo waqtigiisa tababarka, kaasoo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Iyadoo Rangnick uu isku dayayo inuu afarta sare ee Man United ku dhameysto, awoodaha Old Trafford ayaa ka shaqeynaya sidii ay u heli lahaayeen bedelka joogtada ah ee Ole Gunnar Solskjaer , kaasoo shaqada laga ceyriyay bishii November.

Sida laga soo xigtay The Athletic , afar magac ayaa hadda ku jira liiska kooxda Man United, iyadoo Mauricio Pochettino , Erik ten Hag , Julen Lopetegui iyo Luis Enrique ay dhamaantood isha ku hayaan madaxda Old Trafford.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Red Devils ay haatan sare u qaadi doonto raadinta nin cusub oo ka mid noqon doona madaxda dhexe ka dib markii ay soo koobeen liiska musharaxiinta, kooxda ayaana la filayaa inay magacawdo tababare cusub ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Rangnick ayaa kormeeray guushi ay 1-0 kaga badiyeen West Ham United dhamaadki Isbuucan waxaana uga mahadcelinaya Marcus Rashford goolkii ugu dambeeyay ee ciyaarta, kaasoo Red Devils dib ugu soo celiyay boosaska Champions League.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan