Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay dalab qandaraas weyn ah ka gudbiso Antonio Rudiger , iyadoo ay sii socoto wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka daafaca dhexe ee Chelsea .

28-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Stamford Bridge wuxuu dhacayaa dhamaadka bisha June, taasoo la micno ah inuu haatan xor u yahay inuu wadahadalo la galo kooxo ajnabi ah oo ku saabsan heshiis horudhac ah.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Chelsea ay wadahadalo wanaagsan la yeelatay xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka Isniintii, iyadoo kooxdu ay ku kalsoon tahay in heshiis la gaari karo mustaqbalka dhow.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Football Insider , Man United ayaa raadineysa inay Rudiger ku tijaabiso Old Trafford iyagoo u soo bandhigaya heshiis weyn oo waqti dheer ah.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Red Devils ay tartan kula jirto kooxaha Tottenham Hotspur , Real Madrid iyo Bayern Munich si ay ula soo saxiixdaan xiddiga reer Jarmal sanadkan.

Rudiger ayaa mar kale u ahaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Thomas Tuchel intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo u saftay 27 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qayb qaatay labo gool iyo afar caawin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan