Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay bixiso 20 milyan oo euro (£ 16.8m) ee lagu burburin karo qandaraaska Julian Alvarez si ay ula soo wareegto weeraryahanka River Plate inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

21-sano jirkaan ayaa dhaliyay 36 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 25 caawin 96 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Argentina tartamada oo dhan, waxaana mustaqbalkiisa la hadal hayay isbuucyadii u dambeeyay.

Kooxaha Barcelona , Real Madrid , Inter Milan iyo Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha loo arko inay xiiseynayaan weeraryahanka, laakiin sida laga soo xigtay Sport , Man United ayaa hogaamineysa safka hore.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa sheegeysa in wakiilka Alvarez ee Fernando Hidalgo uu u safri doono England isbuuca soo socda si uu wadahadalo ula yeesho kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingariiska, kuwaas oo muujiyay inay diyaar u yihiin inay bixiyaan €20m (£ 16.8m).

Laacibka reer Argentina ee shanta jeer dhaliyay 19 jeer waxa uu diiwangeliyay 8 caawin 33 kulan oo uu horyaalka u saftay kooxdiisa haatan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan