Manchester United iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba xiiseynayaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton James Ward-Prowse xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya Saints intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay lix gool islamarkaana caawiyay shan gool 22 kulan oo uu kasoo muuqday khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay Fichajes , qaab ciyaareedka Ward-Prowse ayaa soo jiitay indhaha Man United iyo Man City, kuwaas oo ku tartami kara saxiixiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in tayada uu leeyahay Ward-Prowse ay ka dhigeyso mid soo jiidasho leh labada kooxood ee Manchester, inkastoo Southampton aysan xiiseyneynin inay u ogolaato inuu baxo.

Saints ayaa lagu Xamanayaa xitaa inaysan tixgelin doonin dalabyada ka hooseeya 50 milyan ginni ciyaaryahan qandaraas kula jira St Mary’s ilaa Juun 2026.

27-sano jirkaan ayaa dhaliyay 39 gool waxaana loo diiwaan geliyay 45 caawin 344 kulan oo uu u saftay Southampton tan iyo markii uu kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay kooxda 2011.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan