Manchester United iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay kula biireen Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Villarreal Arnaut Danjuma .

24-sano jirkaan ayaa ka caawiyay Villarreal inay usoo baxdo Champions League wareega 16-ka isagoo dhaliyay afar gool lix kulan oo group-yada ololahan, sidoo kale waa gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda xilli ciyaareedkan La Liga isagoo dhaliyay shan gool.

Danjuma ayaa kaliya yimid kooxda reer Spain bishii Ogosto aduun dhan 20 milyan ginni oo uu kaga soo biiray Bournemouth, waxaana uu Villarreal kula jira heshiis waqti dheer ah ilaa 2026.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Todo Fichajes , Villarreal ayaa wajihi doonta shaqo adag si ay u sii haysato Danjuma maadaama uu xiiso ka helayo kooxo badan oo Yurub ah oo ay hadda ku jiraan Man United iyo Barcelona.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan