Madaxa fulinta ee Fiorentina Joe Barone ayaa shaaca ka qaaday in Dusan Vlahovic uu iska diiday fursad uu ugu saxiixi lahaa “heshiiskii ugu sarreeyay abid ee taariikhda” kooxda reer Talyaani.

21 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay La Viola intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 17 gool, waxaana uu caawiyay labo gool 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Kooxo dhowr ah, oo ay ku jiraan Manchester United , Arsenal iyo Tottenham Hotspur , ayaa weli lala xiriirinayaa xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia, kaasoo kaliya qandaraas kula jira Florence ilaa June 2023.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Madaxa fulinta ee Fiorentina Barone ayaa qirtay in kooxda Serie A ay wajaheyso shaqo culus oo ay ku ceshaneyso weeraryahanka, kaasoo diiday fursad uu heshiis qaali ah ugu saxiixo Stadio Artemio Franchi.

Vlahovic oo lagu qiimeeyo 70 milyan ginni – ayaa dhaliyay 46 gool 102 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Partizan 2018.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan