Goolkii soo daahay oo Joao Moutinho ka dhaliyay Manchester United ayaa Wolves ka caawiyay inay 1-0 kaga badisay kulan ka tirsan Premier League.

Cristiano Ronaldo oo ahaa kabtanka kooxda ee kulankan iyo Edinson Cavani ayaan wax saamayn ah ku lahayn ciyaarta oo ay inteeda badan maamulanaysay Wolves, taas oo birta garaacday, isla markaana  halis badan ku haysay goolhaye David De Gea.

Wolves ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 82aad, waxaana u dhaliyey ruug-caddaaga reer Portugal ee bannaanka kaga toogtay kubbad ay difaaca United iska soo saareen, waxaanay si fudud u dhaaftay goolhaye David de Gea.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Manchester United ayaa ilbidhiqsigii ugu dambeeyey ku dhowaatay inay hesho goolka barbarraha, markaas oo laad xor ah oo loo dhigay laynka dushiisa uu Bruno Fernandes ku toogtay goolka, hase badbaadiyey goolhaye Sa ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1.

Natiijadan ayaa waxay ka dhigan tahay, in Manchester United ay ku jirto kaalinta toddobaad ee horyaalka Premier League, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa Tottenham oo lixaad ku jirta, halka West Ham oo shanaad fadhidaana ay saddex dhibcood ka  horreyso Manchester United.

United ayaa wajihi doonta kulan FA Cup ah oo ay la ciyaari doonto Aston Villa, Wolves ayaa marti galin doonta Sheffield United kulankooda wareega 3-aad isla koobka maalinta Axada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan