Manchester City ayaa kalsooni ku qabta in heshiiska ay kula soo saxiixaneyso weeraryahankavRiver Plate Julian Alvarez la soo gabagabeyn doono ka hor maalinta Isniinta ee 11ka habeenimo, sida lagu sheegay warbixin.

Citizens ayaa lagu soo waramayaa  inay ku heshiiyeen 17 milyan ginni si ay ula soo wareegaan 21 jirkaan, iyadoo agaasimaha isboortiga Fiorentina Daniele Prade uu goor hore xaqiijiyay in kooxdiisu ay guuldarro ka soo gaartay hogaamiyayaasha Premier League.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News , wadahadalada u dhexeeya City iyo River Plate ayaa hadda maraya heer aad u sareeya, laakiin faahfaahinta ugu dambeysa ayaa wali u baahan in la xaliyo

Labada dhinacba waxay ku kalsoon yihiin in heshiiska la dhamaystiri doono ka hor wakhtiga kama dambaysta ah, kaas oo arki doona Alvarez inuu saxeexo qandaraas wakhti dheer ah ilaa Juun 2027.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa la filayaa inuu amaah ku sii joogo River Plate ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ee England, ka hor inta uusan ku biirin kooxda Pep Guardiola xagaaga isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Alvarez waxa uu ku riyaaqay olole aan caadi ahayn 2021 South America, isagoo u dhaliyay 24 gool isla markaana u diiwangeliyay 15 caawin River Plate 46 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan