Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay Etihad Stadium keento weeraryahanka AC Milan Rafael Leao .

22 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa talyaaniga intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22 isaga oo dhaliyay 7 gool waxana uu caawiye ka noqday 5 caawin 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Leao ayaa wali labo sano iyo bar uga harsan tahay qandaraaskiisa San Siro, laakiin waxaa dhawaanahan jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Sida laga soo xigtay Semper Milan , Man City ayaa soo bandhigtay ‘xiisaha dhabta ah’ ee weeraryahanka, halka kooxo badan oo Premier League ah sidoo kale la sheegay inay isha ku hayaan horumarkiisa.

Leao ayaa Milan kaga soo biiray Lille bishii Ogosto 2019, waxaana uu kooxda Talyaaniga u matalay 95 jeer tartamada oo dhan, isagoo ka qayb qaatay 20 gool iyo 14 caawin.

Reds iyo Blacks ayaa lagu xamanayaa inay wadahadalo kula jireen wakiilka xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal dhowr toddobaad iyagoo rajeynaya inay heshiis ka gaaraan heshiis cusub.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan