Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay lacag u ururiso saxiixa Erling Braut Haaland iyadoo heshiis la gaaray afar ciyaaryahan sanadka soo socda.

Haaland ayaa lagu heli karaa 75 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa Borussia Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkan, kooxaha ugu sareeya Yurub ayaa la filayaa inay u dhaqaaqaan weeraryahanka.

Man City ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub kadib markii ay ku fashilantay baacsiga Harry Kane xagaagii hore, iyadoo Haaland loo malaynayo inuu yahay midka ugu sareeya liiska ciyaartoyda u sharaxan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Manchester Evening News wararka sheegeysa in Pep Guardiola uu iibinayo afar xidig lacagta uu ka helo ayaana ku filan Haaland.

Heshiisyadaas ugu weyn ayaa dhici doona bisha Janaayo, markaasoo Ferran Torres uu qarka u saaran yahay inuu ugu biiro Barcelona lacag dhan 55 milyan ginni.

Seddex ciyaaryahan oo haatan amaah uga maqan kooxda ayaa sidoo kale heysta fursado ay si joogto ah uga tagaan kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan