Manchester City ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa garabka Porto ee Luis Diaz , sida Wararka lagu sheegay.

24-sano jirkaan ayaa u soo muuqday mid ka mid ah weeraryahanada loogu doonista badan yahay Yurub, isagoo xilli ciyaareedkan u saftay kooxda reer Portugal isagoo dhaliyay 13 gool, seddexna caawiye ka ahaa 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Citizens ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester United , Liverpool iyo Newcastle United saxiixa Diaz xagaaga soo aadan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Guardiola ayaa la rumeysan yahay inuu xiddiga reer Colombia u aqoonsaday inuu yahay bedelka 30-jirka Riyad Mahrez , waa haddii uu ka tago Etihad Stadium mustaqbalka dhow.

Diaz, oo sidoo kale lala xiriirinayo Chelsea , ayaa weli wax ka badan labo sano iyo bar ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Estadio do Dragao, waxaana Porto ay ku qiimeysay 42 milyan ginni .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan