Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro da’yarka Barcelona Gavi , iyadoo ay sidoo kale xiiseynayaan Chelsea iyo Liverpool .
17-sano jirkaan ayaa boos ka helay kooxda waa weyn ee Camp Nou xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool islamarkaana caawiyay seddex gool 16 kulan oo uu u saftay kooxda Catalan.
Gavi ayaa sidoo kale ololahan kasoo muuqday dhamaan lixdii kulan ee heerka guruubyada Champions League ee Barcelona, taas ayaana siisay khibrad badan oo uu u leeyahay ciyaaryahan da’diisa ah.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Manchester Evening News ayaa ku warameysa in Pep Guardiola uu doonayo inuu da’yarkaan ka soo qaato kooxdiisii hore, laakiin Man City ayaa ku qasbanaan doonta inay iska caabiso tartanka kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Chelsea.
Ronald Koeman ayaa Gavi u gacan galiyay kulankiisii ugu horeeyay ee kooxdiisii ugu horaysay ee Camp Nou bishii August wuxuuna u saftay 22 kulan kooxda Xavi .
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan