Manchester City ayaa bartilmaameedsaneysa weeraryahanka River Plate ee Julian Alvarez, sida ay ku warameyso BBC Sport .

Da’yarka reer Argentine ayaa dhaliyay 23 gool oo cajiib ah 57 kulan oo uu u saftay kooxda River.

Waxa uu saftay kulankiisii ​​ugu horeysay ee caalami bishii June, waxaana markii dambe loo doortay xulka dalkiisa ee Copa America iyadoo Lionel Messi uu ugu dambeyntii soo gabagabeeyay sugitaankiisii ​​dheeraa ee uu u qabay koob caalami ah.

Alvarez ayaa hadda u saftay shan kulan waxaana loo doortay isreeb reebka koobka adduunka ee xulkiisa uu la ciyaari doono xulalka Chile iyo Colombia.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaan waligiis qarinin inuu aaminsan yahay in la soo saxiixdaan weeraryahankan iyo sida ay lama huraan tahay, inkastoo kooxdiisu ay xilli ciyaareedkii hore si wax ku ool ah ugu guuleysatey Premier League iyadoo haatan sagaal dhibcood ka sarreyn Liverpool .

Lacag dhan £20m ayaa lagu qiimeeyay Alvarez.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan