Manchester City iyo Arsenal ayaa noqday labo ka mid ah sideedii kooxood ee xiiseynaya saxiixa xidiga Fiorentina ee Dusan Vlahovic marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida lagu sheegay warbixinta ugu danbeesay.

Vlahovic ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay kubbada cagta Yurub iyada oo loo eegayo qaab ciyaareedkii fiicnaa ee 2021.

21-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahankii labaad -ka dib Cristiano Ronaldo – tan iyo 1961 si uu u dhaliyo 33 gool Seri A sanad gudihiis intii lagu jiray kulankiisii ​​ugu dambeeyay, waxaana laga yaabaa inuu jabiyo rikoorka shaqsiga ah ee Ronaldo marka Fiorentina ay wajahdo Hellas Verona Arbacada.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Vlahovic ayaa qandaraaskiisa haatan ee Fiorentina waxaa uga harsan kaliya 18 bilood, waxaana uu horay u diiday qandaraaskii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda.

The Times ayaa ku warameysa in ilaa iyo sideed kooxood ay isha ku hayaan xaaladiisa, oo ay ku jiraan seddexda kooxood ee Premier League ee Man City, Arsenal iyo Tottenham Hotspur .

Paris Saint-Germain , Juventus , Borussia Dortmund iyo AC Milan ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inay xiiseynayaan, inkastoo Manchester United ay ku jirto.

Fiorentina ayaa lagu soo waramayaa inay dalbaneyso ilaa €100m (£84.8m) si ay ugu ogolaato Vlahovic inuu baxo Janaayo, halka ciyaaryahanka uu qaato mushahar ku dhow 200,000 todobaadkii.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa hogaaminaya gooldhalinta Serie A xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 16 gool 18 kulan oo uu saftay

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan