Manchester City ayaa ka badbaaday dagaal ay kala kulantay Leicester City iyadoo ku garaacday 6-3 kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Etihad Stadium.

wiilasha Pep Guardiola ayaa lix dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hogaanka Premier League ka dib guushii sagaalaad oo xiriir ah, iyadoo Liverpool oo ku jirta kaalinta labaad .

Kevin De Bruyne ayaa Daah Furay Goolasha afarta ah ee Yimid Qeybta hore waxana Labo Gool rigoore Ku darsaday Riyad Mahrez iyo Raheem Sterling hala Ilkay Gundogan uu ku lahaa Goolkiisa iyadoo lagu kala nastay 4-0.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Foxes ayaa dib u soo laabatay ciyaarta ka dib markii James Maddison, Ademola Lookman iyo Kelechi Iheanacho ay shabaqa soo taabteen laakiin Aymeric Laporte iyo Sterling ayaa labo gool dhaliyay kuwaasi oo City u Xaqiijiyay Guusha Kulankan.

Man City ayaa isha ku haysa inay gaarto 10 guul oo xiriir ah oo horyaalka ah marka ay u safreyso Brentford Arbacada – maalin ka dib Leicester ayaa la Ciyaareysa Kooxda Liverpool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan