kooxda Kubada Cagta ee Manchester City ayaa sii dheereesatay hogaanka horyaalka Premier league-ga kadib guul ay ka gaartay kooxda Wolves oo marti ku aheyd kulanka.

Gool Rigoore ahaa oo uu dhaliyay Steling dhamaadka ciyaarta ayaa Blues ka caawiyay guusha kulanka iyadoo qeybta hore ee ciyaarta ay aheyd mid caajis ah.

Daqiiqadii 66aad ee ciyaarta ayay Manchester City ayaa heshay goolka guusha kadib markii Bernardo Silva uu soo wareejiyay kubad taasi oo ku dhacady mid kamid ah Daafacyada kooxda Wolves.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Labada Kooxood ayaa marka hore isla aaday VAR taasi oo tilmaamtay Rigoore waxana Rigoorada u soo istaagay Sterling oo gool u badalay Guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0.

Manchester city ayaa hogaanka horyaalka ku qabatay Afar dhibcood oo nadiif ah iyadoo leh 38 dhibcood waase ku meel gaar hadii Liverpool iyo Chelsea midkood soo badiso.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan