Suldaan Mahesh Babu filim weyn oo Hindiya oo idil laga daawanayo wuxuu u sameyn doonaa Director SS Rajamouli oo ku caan baxay sameynta Bahubali labadiisa qeybood sidoo kalena haatan ku howlan dhameestirka filimkiisa weyn RRR ee Ram Charan iyo Jr. NTR hogaamiyaal ka yihiin.

Advertisement

Suldaan Mahesh Babu haatan wuxuu duubayaa filimkiisa weyn Sarkaru Vaari Paata oo magaalada Dubai lagu duubayo lana daawan doono sanadka dambe horaantiisa gaar ahaan todobaadka ugu horeeyo Janaayo 2022 feestad Sankranthi.

Haatan Mahesh iyo SS Rajamouli filimka ay ku midoobeen waxaa ka hadlay qoraa K.V. Vijayendra Prasad oo ku caan baxay inuu qoray sheekooyinka filimada Magadheere, Bahubali labadiisa qeybood iyo Bajrangi Bhaijaan ayaa qoray sheekada filimka Mahesh hogaamiye ka yahay waxaana xusid mudan in qoraagan u aabo u yahay SS Rajamouli inta badana wiilkiisa sheekooyin heer sare ah ayuu u diyaariyaa wuxuuna sheegay in filimkan weyn shaqadiisa bilaaban doonto dabyaaqada sanadkan ama horaanata sanadka dambe.

Mahesh filimkiisa waxaa lagu duubi doonaa qaarada Afrika gaar ahaan keymaha ama dhulalka howdka ah ee Afrika ugu dhirta badan waana filim Action ah oo intuusa badan duurka lagu duubi doono wuxuuna Mahesh Babu ka helay qaabka sheekadan filimkan loo dhigay sidoo kalena dhawaan ayaa shaaca laga qaadi doonaa jilaayaasha kale ee Mahesh filimkan weyn la sameenayaan oo lagu daawan doonaa luqadaha Hindi, Tamil, Telugu, Kannada iyo Malayalam.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here