Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa qirtay inay aad iskugu dhexyaaceen xilli ciyaareedkan sababna u tahay isfahan la’anta kooxda.

United ayaa haatan ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League laakiin Arsenal iyo Tottenham ayaa iyaga ka sare mari kara tartanka loogu jiro tartanka champions League hadii ay badiso kulamadooda u haray.

Isagoo ammaanaya goolhaye David de Gea , kaasoo mar kale noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa, ayaa wareysi uu siiyay website-ka kooxda, Maguire wuxuu yiri: “Isaga [De Gea] wuxuu ahaa mid cajiib ah.

“Waxaan u maleynayaa in dad badan sanadkan aysan helin sida ugu macquulsan ee xilli ciyaareedka, wax badan ayaan isbadalay, waanu ku jirnay, ciyaaryahan ahaan iyo qaab ciyaareed koox ahaanba.”

“Lama yaabayo sababtoo ah David waa David, waa goolhaye heer caalami ah”.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan