Facebook

Advertisement

Nairobi (Dalkaan.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen Dalkaan.com.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa oo uu ku jiray isbitaal ku yaalla Nairobi, ayada oo laga helay cudurka COVID-19.

Cali Mahdi Maxamed waxa uu 1-dii Janaayo 1939-kii ku dhashay tuulada Cadow-uul oo u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxa uu ahaa 82 jir.

Cali Mahdi wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969-kii. 

Markii xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre ayaa Cali Mahdi Maxamed waxay Ururkii USC (United Somali Congress) oo la wareegay talada Muqdishu iyo meelo kale oo waddanka ah, ay 28-kii Janaayo 1991-kii u doorteen inuu noqday madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya.

Durba waxaa madaxweyne Cali Mahdi aqoonsaday beesha caalamka. Hase yeeshee maacaabista Cali Mahdi waxaa kasoo horjeestay mid ka mid ah hoggaamiyayaashii labada garab ee ururka USC Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, taasi oo horseeday dagaal sokoeeye oo dalka ka qarxa.

Mar kale ayaa ururrada talada ka tuuray Maxamed Siyaad Barre ay ku kulmeen magaalada Jabuuti bishii July 1991, waxaanay ay mar kale u doorteen Cali Mahdi inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo ay ururro ka jiray waddanka kasoo horjeedeen madaxweynennimadiisa haddana waxaa xilka ka beddelay Madaxweyne Cabdilqaasim Salaad Xasan oo lagu doortay Jabuuti sannadkii 2000.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here