Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa sheegay in ayna wax niyad ah u hayn in ay u ogolaadaan bartilmaameedka Manchester United ee Frenkie de Jong xagaagan.

Inkastoo afar sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan, De Jong ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford xagaagan, iyadoo warbixin hore ay soo jeedisay in “heshiis ballaaran” ay ku heshiiyeen United iyo Catalan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray shaki ku hareeraysan suurtogalnimada in la soo wareego, iyadoo De Jong lagu soo waramayo inuu diidan yahay inuu ka tago Barcelona xagaagan

Sida laga soo xigtay Evening Standard , Barcelona ayaa sidoo kale dooneysa inay sii haysato adeega xiddiga reer Holland, iyadoo madaxweynaha kooxda Laporta uu sheegay inuu doonayo inuu sii haysto ciyaaryahanka.

Laporta ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waxaa jira kooxo isaga doonaya, kaliya ma ahan United, wax niyad ah uma heyno inaan iibino, wuxuu doonayaa inuu sii joogo.

“Frenkie waxaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican adduunka dhamaan khubarada, waan ku faraxsanahay inaan heysano isaga.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si Frenkie uu halkan u joogo, laakiin waxaa sidoo kale jirta arrin mushahar ah taasna waa in la hagaajiyaa.”

De Jong ayaa Barcelona u saftay 137 kulan, wuxuuna u dhaliyay 12 gool waqtigii uu kooxda la joogay.

Wararka kale ee ku dhaafay


Source: dalkaan