Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa ku kaftamay u dhaqaaqitaankooda weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland.

Laporta ayaa si cad uga hadlay baacsiga Barca ay ku dooneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Norway.

Laporta ayaa waqti la qaatay taageerayaasha Barca mid ka mid ah ayaa la maqlay isagoo leh: “Waxaan rabnaa Haaland!”

“waa kuma?” qosol ayuu Laporta ku jawaabay.

Taageeraha ayaa ku jawaabay isagoo leh waa “ciyaaryahanka Borussia Dortmund “.

Taas oo Laporta u dhoola caddeeyey: “waxana uu yiri waa ciyaaryahan aad u wanaagsan!”

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan