Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa iney horay ugu socoto qabashada doorashada guud ee dalka, iyadoo guddiyada ay magacowday uu muran weyn ka taagan yahay, islamarkaana ay ku gacan seereen saamileyda siyaasadda dalka.

Waxaa jira qaar ka mid ah dowlad goboleedyada oo taageersan qorshaha dowladda, waxaana hadda soo shaac baxday in mid ka mid ah maamul goboleedyada uu wado qorshe uu ku boobsiinayo qabashada doorashada Aqalka Sare, taasi oo kasii dari karta xiisadda siyaasadeed.

Xog ay heshay Dalkaan.com ayaa sheegeysa in maamul goboleedka Koonfur Galbeed uu wado qorshe ay ku dar-dargalinayaan doorashada xubnaha ay aqalka sare ee Baarlamaanka ku leeyahiin, una qabtaan sida ay dowladda rabto.

Maalmo kadib maamulka Koonfur Galbeed waxey u dabaal dagayaan sanad guuradii labaad ee markii la doortay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), taasoo ku beegan 19-ka December, waxaana u xigi doonta doorashada aqalka sare oo ay qaban doonaan, sida aan xogta ku helnay

Maamulka Koonfur Galbeed waa kan kaliya ee si cad u taageeray guddiyada ay dowladda magacowday, waxeyna sidoo kale noqon karaan maamulka qura ee ku shaqeeya nidaam aan wali la isku raacin hadii ay qabtaan doroashada sida xogta ay sheegeyso.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kursiga uu ku fadhiyo waxaa ku daatay dhiig badan, ayada oo dowladda bishii December 2018 magaaladaas ku laysay shacab badan si Lafta-gareen looga dhigo madaxwene.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaan wali gudbin guddiyadooda doorashada iyadoo ay jiraan arrimo badan oo muran leh, waxaa sidoo kale cago jiid uu ka muuqdaa Galmudug iyo HirShabeelle.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here