Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan wuxuu sameeyay aflaan badan oo hirgaleen ganacsi ahaan sidoo kalena wuxuu ku guuleestay abaal marino fara badan waana atooraha ugu caansan fanka Hindiya sidoo kalena shacbiyad balaaran ku leh dibad iyo dal haatana aad loo wada sugaayo filimka uu kusoo rogaal celinaayo Pathan oo ay u badan tahay in sanadka 4-bilood ugu horeyso in la daawan doono waxaana la jileyso Deepika halka John Abraham laadar ka yahay.

Advertisement

Haddaba waxaan idiin heynaa sheeko xiiso badan oo naga qarsoon oo ku aadan in SRK filimkiisa ugu sheekada wanaagsan qiimeynta shabakada IMDb Rating inuu FLOP yahay filim kale ma ahan waa Swades oo uu sanadii 2004 sameeyay wuxuuna ku qaatay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atooraha ugu wanaagsan waxayna qiimeynta sheekada la siiyay 8.2/10 sidoo kalena 83, 159 qofood ayaa u codeesay inuu fili wanaagsan yahay filimka labaad ee kusoo xigo ee isla SRK sameeyay dhanka sheeko wanaaga waa Chak De! India oo 2008 la daawaday waxaana la siiyay 8.2/10 balse waxaa u codeeyeen 74,354 qofood inuu filim wanagsan yahay.

Fadlan hoos kaga bogo SRK 10-kiisa filim ee ugu sheekada wanaagsan qiimeynta shabakada IMDb Rating lagu saleeyay 10-ka dhibcood aflaanta lagu qiimeeyo sheeko ahaan:

1. Swades (2004) – 8.2/10

2. Chak De! India (2007) – 8.2/10

3. Dilwale Dulhania Le Jayenge (1995) – 8.1/10

4. My Name Is Khan (2010) – 8/10

5. Kal Ho Naa Ho (2003) – 8/10

6. Hey Ram (2000) – 7.9/10

7. Veer Zaara (2004) – 7.8/10

8. Darr (1993) – 7.8/10

9. Kabhi Haan Kabhi Naa (1994) – 7.8/10

10. Baazigar (1993) – 7.7/10

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here