Weeraryahanka Porto Luis Diaz ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiiseyneynin inuu ku biiro Tottenham Hotspur bishaan.

25 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Portugal intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 16 gool, waxaana uu diiwangeliyay lix caawin 28 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Manchester United iyo Liverpool ayaa lagu tirinayaa inay xiiseynayaan xiddiga reer Colombia, kaasoo dhaliyay 14 gool 18 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in Tottenham ay dalab 37.7 milyan ginni ah ka gudbisay weeraryahanka iyadoo rajo ka qabta inay hesho saxiixiisa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Sida laga soo xigtay Record , Diaz waa uu ka warqabaa xiisaha uga imaanaya Tottenham Hotspur Stadium laakiin haatan uma furna ku biirida kooxda Antonio Conte , maadaama uu aaminsan yahay inay tahay tallaabo dhinac ah.

Weeraryahankan oo la jooga xulkiisa isku diyaarinaya kulamada isreebreebka koobka adduunka ayaa la sheegay in ay Man United daawatay todobaadkii hore.

Diaz ayaa wali labo sano iyo bar uga harsan tahay inuu ku sii wado qandaraaskiisa Estadio do Dragao.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan