Daafaca dambeedka midig ee Everton ayaa doorbidaya inuu u dhaqaaqo Chelsea suuqan kala iibsiga, sida lagu sheegay warbixinta ugu danbeesay.

Daafaca Toffees ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda bisha Janaayo ka dib markii ay isku dhaceen Rafael Benitez , iyadoo xiddiga reer France uusan ciyaarin tan iyo kulankii Merseyside derby ee December 1.

28-sano jirkaan ayaa kasoo muuqday 13 jeer xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxaana uu Everton u ciyaarayay tan iyo 2018, markaasoo uu 18 milyan ginni uga soo wareegay Barcelona.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay warbixin ka soo baxday 90min , Digne ayaa doorbidaya u dhaqaaqista Chelsea dhammaan kooxaha xiiseynaya, iyadoo Newcastle United , West Ham United , iyo Leicester City ay dhamaantood isha ku hayaan xaaladiisa.

Everton ayaa sabtida ku soo laaban doonta ciyaaraha FA Cupka marka ay wajahdo Hull City, waxaana la arki doonaa in Digne uu ku lug lahaan doono kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan