Liverpool ayaa xaqiijisay imaatinka weeraryahanka reer Colombia Luis Diaz kaas oo ka yimid Porto .

25-sano jirkaan ayaa Reds ugu biiray heshiis waqti dheer ah – oo lagu soo waramayo inuu yahay heshiis shan sano ah – oo uu kaga yimid dhanka Sergio Conceicao , wuxuuna xiran doonaa lambarka 23 ee garoonka Anfield.

Porto ayaa lagu soo waramayaa inay heli doonto ilaa 50 milyan ginni iibka Diaz, kaasoo ka tagaya kooxda ka dib markii loo diiwaan geliyay 41 gool iyo 19 caawin 125 kulan oo uu u saftay kooxda tartamada oo dhan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Colombia ayaa markii hore loo maleynayay inuu ku wajahan yahay Tottenham Hotspur, laakiin waxaa loo malaynayay inuu qalbigiisu u dhaqaaqay Liverpool, isagoo noqday saxiixii ugu horreeyay ee Reds ee suuqa Janaayo.

Diaz ayaa soo jiitay indhaha 14 gool iyo shan caawin 18 kulan oo Primeira Liga ah intii lagu jiray qeybtii hore ee xilli ciyaareedka 2021-22 waxaana uu labo jeer wajahay Liverpool wareega group-yada Champions League.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan