Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax qorshe ah u hayn in ay u dhaqaaqdo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Villarreal ee Arnaut Danjuma inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January.

Reds ayaa la fahamsan yahay inay isha ku hayaan 24-sano jirkaan ka dib markii ay u aqoonsadeen inuu yahay bedelka mustaqbalka fog ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane .

Danjuma ayaa dhaliyay sagaal gool waxaana uu sameeyay seddex caawin 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan tan iyo markii uu xagaagii hore kaga soo biiray Villarreal Bournemouth.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Manchester United iyo Barcelona ayaa sidoo kale lala xiriirinayay weeraryahanka, laakiin khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Danjuma aan loo ogolaan doonin inuu baxo Janaayo.

Danjuma qandaraaskiisa Villarreal ma dhacayo ilaa 2026.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan