Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay Chelsea kula dagaalanto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Monaco ee Aurelien Tchouameni inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

21 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Ligue 1 xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay labo gool 28 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, halka uu sidoo kale haatan fure u yahay France.

Chelsea ayaa weli si xoogan loola xiriirinayaa ciyaaryahanka khadka dhexe, iyadoo Blues la sheegay inay si qoto dheer u raadineyso ciyaaryahankii hore ee Bordeaux.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Athletic , Liverpool ayaa sidoo kale xiiseyneysa Tchouameni, kaasoo ay ka harsan tahay labo sano iyo bar inuu sii wato qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Ligue 1.

Tchouameni, oo sidoo kale horay loola xiriirinayay Manchester United , ayaa dhaliyay shan gool, waxaana loo diiwaan geliyay afar caawin 73 kulan oo uu u saftay Monaco tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan