Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseeneyso saxiixa Inter Milan ee Lautaro Martinez .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa markale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Talyaaniga intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 10 gool, waxaana uu gacan ka geystay labo caawin 15 kulan oo uu saftay.

Martinez ayaa qandaraas cusub oo waqti dheer ah u saxiixay San Siro bishii Oktoobar, isagoo qandaraaskiisu dhacayaa ilaa Juun 2026, laakiin waxaa dhowaanahan jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Arsenal ayaa weli la rumeysan yahay inay xiiseyneyso 24 jirkaan, sida laga soo xigtay Calciomercato , Liverpool ayaa sidoo kale ugaarsi ugu jirta saxiixa xiddiga South America.

Martinez ayaa dhaliyay 59 gool oo ka diiwaan gashan 22 caawiyey 153 kulan uu u saftay Inter tan iyo markii uu ku biiray kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga ka Racing Club ee July 2018.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan