Liverpool ayaa isku diyaarinaysa inay iska iibiso Takumi Minamino iyo Divock Origi maalmaha soo socda.

Imaatinka Weeraryahanka Porto ee Luis Diaz iyo sidoo kale qaab ciyaareedka Alex Oxlade-Chamberlain iyo soo ifbaxa Harvey Elliott iyo Kaide Gordon – waxay la macno tahay in ciyaartoyda qaar la iska iibin karto kooxda

Xidigaha bixi kara ayaana loo arkaa Minamino iyo Origi maalmaha soo socda iyadoo xiiso badan ay ka helayaan kooxaha yurub.

Minamino ayaa door yar ka qaatay kooxda dobaadyadii u dambeeyay Madama Salah iyo Mane ku maqanyihiin koobka qaramada Afrika.

Origi ayaa dhanka kale muhiim u ahaa Anfield ka dib markii uu dhaliyay goolal badan oo muhiim ah si ay u noqdaan kuwa ku guulaysta Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedyadii dhawaa ee uu maamulayay Jurgen Klopp .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan