Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixaxiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City Youri Tielemans inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

24-sano jirkaan ayaa mar kale fure u ahaa Foxes intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo saftay 25 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay lix gool iyo seddex caawin.

Tielemans ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa King Power Stadium, waxaana warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in Liverpool, Arsenal iyo Manchester City ay dhamaantood xiiseynayeen adeegiisa.

Sida laga soo xigtay El Nacional , kooxda Jurgen Klopp ayaa hogaamineysa safka khadka dhexe, kaasoo la filayo inuu ka tago kooxda Brendan Rodgers inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Klopp ay ka go’an tahay inuu xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium keeno Anfield, ciyaaryahanka laftiisa ayaa la rumeysan yahay inuu ka door bidi lahaa u dhaqaaqista Merseyside.

Tielemans ayaa dhaliyay 23 gool waxaana loo diiwangeliyay 22 caawin 133 kulan oo uu u saftay Leicester tartamada oo dhan tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Monaco.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan