Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaalada weeraryahanka Juventus Paulo Dybala .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa ku riyaaqay olole wax ku ool ah kooxda reer Talyaani, isagoo ka qeyb qaatay 11 gool iyo afar caawin 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Si kastaba 28-sano jirkaan ayaa waxaa qandaraaskiisa uga haray wax ka yar lix bilood, taasoo ka dhigeysa inuu la xaajoodo kooxaha ajnabiga ah.

Sida laga soo xigtay Sportitalia , Liverpool ayaa isha ku heysa xaalada, inkastoo joogitaanka Serie A ay u muuqato natiijada ugu macquulsan.

Juventus ayaan weli raacin dalabkooda heshiis cusub, halka Inter Milan la og yahay inay diyaar u tahay inay ka dhaqaaqdo haddii ay caddaato in Dybala uu doonayo koox cusub.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan