Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay dib u soo celiso xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Eduardo Camavinga .

Reds ayaa ka mid ahayd kooxo badan oo lala xiriirinayay da’yarkii hore ee Rennes xagaagii hore ka dib bixitaankii Georginio Wijnaldum , kaasoo aysan wali si sax ah u bedelin.

Camavinga ayaa loo doortay inuu qalinka ku duugo heshiis lix sano ah oo uu la galay Real Madrid intii lagu jiray suuqii xagaaga ee ugu dambeeyay, laakiin wuxuu ku bilaabay bilow adag.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

El Nacional ayaa sheeganeysa in Camavinga uu “ka qoomameynayo” u dhaqaaqista Bernabeu, 19-sano jirkaan ayaana ku rajo weyn inuu helo ugu yaraan amaah iyo suurtogalnimada inuu si joogto ah uga baxo 2022.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Jurgen Klopp uu u aqoonsaday Camavinga inuu yahay mid ku haboon kooxda, Reds ayaana ku heli karta lacag dhan €45m (£37.9m).

Camavinga ayaa dhaliyay hal gool mid kalena soo dhigay 17 kulan oo uu u saftay Real Madrid laakiin waxa uu ku soo bilowday kaliya shan kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan