Daafaca kooxda Wolverhampton Wanderers ee Rayan Ait-Nuri ayaa lagu soo waramayaa in uu ka soo muuqday bartilmaameedka suuqa kala iibsiga ee kooxaha ugu sareeya kubbada cagta Yurub.

Ka dib markii uu sameeyay muuqaal wanaagsan intii lagu jiray amaah xilli-ciyaareed ah, daafaca garabka bidix ayaa qandaraas shan sano ah qalinka ugu duugay Wolves xagaagii.

20-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay qeybtii furitaanka ee Premier League si cajiib ah, isagoo wadar ahaan ku soo bilowday sideed kulan iyo hal bedel.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka xiddiga reer France ayaa si lama filaan ah u horseeday xiiso ka imanaya meelo kale, oo ay ku jirto kooxda Ligue 1 ee Paris Saint-Germain .

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Liverpool , Manchester City iyo Barcelona ayaa sidoo kale isha ku haya xaaladda ka hor inta aysan suurtagal ahayn inay la soo xiriiraan mustaqbalka.

Wolves uma badna inay tixgeliso dalab kasta oo ka hooseeya 30 milyan ginni, taasoo ka dhalatay inay 50% la heshiiso qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Ait-Nouri kooxdii hore ee Angers.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan