Liverpool waxaa ka maqnaan doona daafaca bidix Andrew Robertson kulan ka tirsan Premier League oo ay la ciyaarayaan Chelsea 2da Janaayo ka dib markii kulankii Boxing Day ee ay la lahaayeen Leeds United uu baaqday sababo la xiriira coronavirus.

Robertson ayaa haatan qaadanaya ganaax seddex kulan ah ka dib casaankii uu qaatay kulankii Tottenham Hotspur isbuucii hore.

Ciyaartii ugu horeysay ee ganaaxiisa waxa ay aheyd habeenkii Arbacada ee EFL Cup ay ka badiyeen Leicester City wareega 8da, halka sidoo kale lagu waday inuu seego kulamadii Leeds ee December 26 iyo Leicester mar kale 28 December.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, dib u dhigista kulanka Boxing Day ee Leeds – ayaa lagu dhawaaqay Khamiista sababtoo ah Leeds oo aan haysan ciyaartoy ku filan oo buuxiya kulanka – waxay la macno tahay in ganaaxa Robertson uu hadda sii kordhin doono safarka Stamford Bridge ee Janaayo 2.

Liverpool ayaa sidoo kale waxaa ka maqnaan kara Mohamed Salah , Sadio Mane iyo Naby Keita , waa haddii aysan ku guuleysan isku daygooda inay dib u dhigaan u bixitaankooda Koobka Qaramada Afrika.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan