Paris Saint-Germain ayaa heli doonin Lionel Messi kulanka Axada ee Ligue 1 ay la ciyaarayaan Lyon.

Laacibka todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa hadda kasoo kabsaday coronavirus, waxaana loo maleynayay inuu fursad fiican u haysto inuu dib ugu soo laabto saaxiibadiisa safarka ay ku aadayaan garoonka Groupama Stadium.

Si kastaba ha ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ee caafimaad ee PSG ayaa shaaca ka qaaday in Messi uusan wali ka qeyb qaadanin tababarka kooxda islamarkaana uu seegayo kulanka axada madaama uu shaqsi ahaan u soo kabsanayo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Cusboonaysiinta bogga rasmiga ah ee PSG ayaa lagu yiri: “Lionel Messi wuxuu sii wadi doonaa barnaamijkiisa ka soo kabashada Covid-19 maalmaha soo socda.”

Messi ayaa kaliya hal gool ka dhaliyay 11 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan waxana loo malaynayaa in uu doonayo in uu ku qasbo ka bixitaanka hadii ay PSG ku fashilanto ku guulaysiga champions League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan