Paris Saint-Germain ayaa xaqiijisay in Lionel Messi uu ka mid yahay afar ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah ee laga helay cudurka ‘coronavirus’.

Les Parisiens ayaa loo qorsheeyay inay ku soo laabtaan garoomada Isniinta ka dib fasaxa jiilaalka, iyadoo ciyaareysa Coupe de France.

Thilo Kehrer iyo Eric Ebimbe ayaa labadooduba laga helay COVID-19 wax yar ka hor Christmas-ka, PSG ayaana hadda daaha ka qaaday in Messi uu hadda ku jiro go’doon ka dib markii laga helay tijaabada caafimaadka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“4ta ciyaaryahan ee laga helay Covid-19 waa Leo Messi, Juan Bernat , Sergio Rico iyo Nathan Bitumazala . Hadda waxay ku jiraan go’doominta iyagoo ilaalinaya borotokoolka caafimaadka ee ku habboon” ayaa lagu yiri bayaan la soo dhigay website-ka PSG .

Julian Draxler iyo Sergio Ramos ayaa labaduba ka soo laabtay dhaawac si ay uga qayb qaataan tababarka maalinta sanadka cusub, laakiin Neymar ayaa wali la maqan dhaawac halis ah oo ka soo gaaray canqowga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan