Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay rajaynayso in ay suuqa January iska iibiso ilaa 7 ciyaartoy.

Les Parisiens ayaa si xamaasad leh ku bilaabatay xilli ciyaareedka Ligue 1 iyaga oo 11 dhibcood oo nadiif ah ku haya hogaanka horyaalka, halka ay sidoo kale xaqiijiisteen booskooda wareega 16ka ee Champions League.

sida laga soo xigtay L’Equipe , kooxdu waxay rajeyneysaa inay bedelaan ciyaartoy dhowr ah oo aan qiimo ama boos ugu fadhin kooxda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa sheegtay in Sergio Rico , Rafinha , Eric Ebimbe iyo Layvin Kurzawa – kuwaas oo dhamaantood ku dhibtoonaya xilli ciyaareedkan – inay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee heli doona go’anka kooxda.

Intaa waxaa dheer, Colin Dagba iyo Abdou Diallo ayaa loo arkaa inay dheeri ku yihiin shuruudaha Mauricio Pochettino , halka Mauro Icardi – oo lala xiriirinayo Chelsea iyo Arsenal ay ku jiraan.

PSG ayaa loo malaynayaa inay dalbanayso ku dhawaad ​​€50m (£42.7m) oo ay markii hore ka bixisay Icardi  inkasta oo todobada ciyaartoy midkoodna aanu noqon doonin wakiilo xor ah sanadka 2022.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan