Laba toddobaad kaddib, waxay PSG macasalaamayn doontaa toddoba ciyaartoy oo ka tirsan kooxdeeda koowaad, kuwaas oo uga tegaya Parc des Princes sabab la xidhiidha Lionel Messi oo lix bilood gudahood ku qasbay naadiga inay albaabka ka saarto dersin ciyaartooyo ah.

Paris Saint-Germain ayaa xagaagii lasoo saxeexatay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo bilaash ugaga yimid Barcelona, waxaana sidoo kale qaab xor ah kusoo qaateen Sergio Ramos oo aha kabtanka Real Madrid, Gianluigi Donnarumma oo ahaa goolhayihii Talyaaniga u qaaday koobkii qaramada Yurub, kuna guuleystay goolyahasannadka ee Yurub iyo Georginio Wijwanldum oo Liverpool ay kasoo qaateen markii uu qandaraaskiisii Anfield dhamaaday.

Mushaharka ciyaartoyda PSG ayaa la sheegay inuu sare u dhaafay €300 milyan oo Euro oo sannadkii ay bixinayso, iyadoo Lionel Messi uu qaato €41 milyan oo Euro oo naqad ah, taas oo kooxda ku keentay culays badan oo dhaqaale.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

PSG ayaa waqtigan haysata 35 ciyaartoy oo kooxda koowaad ah, waxaanay qorshaynaysaa inay iska dirto illaa toddoba ciyaartoy si ay mushaharka badan ee Lionel Messi ay meel ugu samayso.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay, in PSG ay haysato shan ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo kala ah: Keylor Navas, Gianluigi Donnarumma, Alexandre Letellier, Denis Franchi iyo Sergio Rico, waxaana ugu yaraan bisha January ka tegi doona hal goolhaye, halka Alphonse Areola oo West Ham United u ciyaara uu isaguna amaah kaga maqan yahay PSG.

Donnarumma iyo Navas oo kaliya ayaa ku loollami doona kooxda koowaad oo joogi doona, sidoo kalena hal goolhaye oo kan saddexaad  noqonaya ayuu doonayaa Mauricio Pochettino inuu ka reebto shanta goolhaye ee sare ku xusan ee uu hadda haysto.

Saddexd difaac ee Colin Dagba, Layvin Kurzawa iyo Abdou Diallo ayaa iyagana la sheegay inay bixi doonaan bisha January maadaama ay boosaskooda ka xoogsadeen Sergio Ramos, Nuno Mendes iyo Achraf Hakimi.

Eric Junior Dina Ebimbe oo u ciyaara xulka qaranka France ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirrada, sannadihii ugu dambeeyeyna amaah ugu maqnaa Le Havre iyo Dijon ayaa la sheegay inuu si rasmi ah u tegi doono.

Waxa kale oo bixi doona weeraryahanka reer Argentina ee Mauro Icardi oo lala  xidhiidhinayo horyaalka waddanka Talyaaniga, gaar ahaan Juventus.

Icardi ayaa kaydka u galay Kylian Mbappe, Neymar iyo Messi, kuwaas oo ay waliba boosaskooda kasii sugayaan Angel di Maria iyo Julian Drexler.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan