Ciyaartoyda Chelsea ee Ben Chilwell , Callum Hudson-Odoi , Timo Werner iyo Romelu Lukaku ayaa dhamaantood laga helay cudurka Coronavirus, waxaana sidaas darteed laga saaray kulanka Everton.

Ciyaartii ay la ciyaareen Toffees ayaa shaki ku jiray in la baajiyo inkastoo ugu danbeyn la ciyaaray

Chilwell, Hudson-Odoi, Werner iyo Lukaku ayaa dhamaantood ahaa kuwa la xusi karo maqnaanshahooda ka hor inta aan ciyaarta la bilaabin

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Tababaraha kooxda Blues Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in 4-ta ciyaaryahan ee kooxda koowaad laga helay cudurkaan, kaasoo haatan qalalaase ka dhex abuuraya horyaalka Premier League.

Dhanka kale, Tuchel ayaa hadalkiisa ku daray: “Kai [Havertz] waxa uu dareemaya xanuun, wali ma wanaagsana laakiin waxa aanu sugaynaa natiijada baadhitaanka sidaas darteed waxa aanu go’aansanay in aanan isaga keenin kooxda.

Shan ka mid ah ciyaaraha todobaadkan ee Premier League ayaa mar hore dib loo dhigay sababo la xidhiidha COVID-19 oo ka dillaacay tiro kooxo ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan