Mohamed Salah ayaa Rigoore ka Qasaariyay Liverpool iyadoo Reds ay 1-0 guul daro ah kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka tirsan Premier League.

Reds ayaa doonaysay inay yareyso farqiga dhibcaha ee kala dhexeeya hogaamiyayaasha Manchester City, laakiin waxay la kulantay guuldaradii ugu horeysay 11 kulan oo ay tartammada oo dhan ku ciyaartay garoonka King Power Stadium.

Daqiiqadii 16aad Liverpool ayaa fursad u heshay inay hogaanka Qabato markii Salah lagu dhex jilaafeeyay diilinta ganaaxa isla isaga ayaa Qasaariyay Rigoorada loo dhigay kooxdiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Xidiga Lookman ayaa u dhaliyay Goolka Guusha ee Leicester City Daqiiqadii 59aad ee qeybta danbe isagoo Shabaqa ku hubsaday kubad looga dhex bixiyay Daafacayada Kooxda Reds .

Liverpool, oo Leicester ka cirib tirtay wareega 8da EFL Cup isbuucii hore, ayaa wax jawaab ah u weyday, iyadoo rikoorkooda 34 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan ay soo dhamaatay.

Leicester ayaa dhaawac ku wayday James Maddison laakiin waxa ay muujisay adkaysi ku aadan difaacista goolkeeda.

Natiijo ahaan Liverpool ayaa kaalinta labaad ku jirta iyadoo leh 41 dhibcood waxana hogaanka looga hayaa lix dhibcood oo nadiif ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan