Garabka weerar ee kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markale sameeyay arrin si weyn uga cadhaysiisay bulshada Muslimiinta ah isaga oo u dabaaldegay ciida masiixiga ee Christmas oo ku beega 25-ka December ee sanad kasta.

Mohamed ayaa ahaa mid si joogto ah ugu dabaaldegayay sanadihii ugu dambeeyay isagoo hadalo badan oo adag ay qaybta faalada kula wadaageen guud ahaan umada muslimiinta ah gaar ahaan dadka kasoo jeeda dalkiisa Masar.

Shaqsiyaad badan ayaa xasuusiyay in aysan diinta islaamku ogolayn inuu ka qayb qaato ciidaha diimaha kale. Salah ayaa barihiisa bulshada soo dhigay sawirka isaga iyo qoyskiisa oo uu ka dambeeyo geedka caanka ah ee “Christmas Tree”.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Dhinaca kale iyadoo la xasuusto in Salah uu abaar dhinaca goolasha ah galay sanadkii hore markii uu dabaaldegaas oo kale sameeyay ayay jamaahiirta qaar ku kaftameen in dabaaldega Salah ka dhigan yahay in Manchester City ay horyaalka Premier League ku guuleysatay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan