Everton ayaa diyaarisay liiska tababareyaasha u sharaxan badalka Rafa Benitez .
Macalinka Isbaanishka ayaa laga ceyriyay kooxda ka dib guuldaradii ka soo gaartay Norwich City kulan ka tirsan Premier League isbuucaan.
Duncan Ferguson ayaa si ku meel gaar ah u haya xilka, iyadoo BBC ay ku warantay in Everton ay heysato magacyo dhowr ah oo ay ka fiirsaneyso inay u qabtaan shaqada joogtada ah.
Liiska waxaa ka mid ah Wayne Rooney iyo Frank Lampard , oo ah laba halyeey oo Premier League ah.
Rooney ayaa hadda maamula Derby County ee Championship- ka , halka Lampard uu shaqo la’aan yahay.
Roberto Martinez , oo hore u soo maamulay Everton , haatana maamula Belgium, ayaa sidoo kale la tixgelinayaa.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan